
Socdaalkii Geerida Soomaaliya ilaa Yurub
AQRISO QEYB KAMID AH BUUGA
BILAWGII QORSHAHA TAHRIIBKA!
Waxaan bilaabay inaan raadiyo dadka ka shaqeeya tahriibka iyo qaababka aan arrinka ku heli karo. Waxaan soo ogaadey iney jiraan niman (Mukhalisiin) ah oo isku xiran, iyaguna kusii xiran (Maafiyo) Kala duwan oo xiriirsan ilaa iyo Suudaan, Liibiya, Xuduudaha iyo Magaalooyinka kala duwan, oo dadka halkaa ka daad gureeya, Khartuum ka qaada, xuduudaha dhaafiya, saxaaraha marsiiya, kadibna Liibiya magaalooyinkeeda waaweyn sida Bani Qaasi iyo Tripoli geeya, kadibna halkaa doon laga saaro ilaa xeebaha Talyaaniga, haddii Talyaaniga la gaarana Jannadii cagta u horraysa la saarayo! Laakiin Wadadan dheer iyo Saxaarahaan side lagu gooynayaa? Dhib ma leh, dad badan ayaa habeen iyo maalin mara, qofkii Ilaahay u qadarayna waa dhintaa, kii kalena waa gudbaa. Qof walbaana wixii Allah u qoray ayuu la kulmayaa.Dadka qaar ayaa 5 cisho ku gaara xuduuda liibiya, qaarna ilaa 7 cisho ama 10 ugu badnaan. Intaa ayaa laguu akhrinayaa marka ay ugu badantahay.Laakiin cidina kaaga sheekayn mayso Khartuum ilaa xuduuda maxaa lala kulmaa, xagee la maraa, yaa ku wada, side laguula dhaqmayaa, heshiiska haddii lagaaga boxo ciirsi beel maxaa kuu tala ah, meel ma gaari kartaa, sahaydu hadey kaa dhamaato xagee wax ka heli kartaa, arrin aan la filanayn haddeey dhacdo side wax noqonayaan, haddii Liibya xuduudkeeda la gaaro maxaa lagala kulmaa, maafiyada tahriibku dadka side ula dhaqmaan, guryaha dadka lagu xirtay iyo dadka la kala gatay side ayey ku dhacdaa, qaabkee ku timaadaa, ma dhici kartaa in adigana lagu kala gato, dumarka in la kufsado, in sanada gurya lagu haysto amaba la kaxaysto oo la addoonsado. Waxaas oo dhan wax laga sheekayey si tafaasiil ah maahan. Sidaas darteed qofka wey la fududahay marka la yiraahdo: Waa tahriib, dhibaatooyin ayaa lala kulmaa, qofkii Ilaahay u qoroayna waa ku dhintaa, mar walba naftu mar ayey go’I lahayd, wuxuu is oranayaa: Hade awalba dhib iney tahay waad usoo diyaar garowdey ee ku nasiibso.