Laga bilaabo marka gabadha Soomaaliyeed dhalato waxaa loo arkaa culays iyo ceeb mustaqbalkaa. Haddii reerku wiil filayeen waxaad dareemaysaa niyad jab, iyagoo ku celcelinaya "Ilaahay baa bixiya carruurta, wiil iyo gabadh mid khayr leh Ilaahay baa og." Hadalladan waxay si cad u muujinayaan in haddii ay awoodi lahaayeen ay dooran lahaayeen wiil.
Dadku waxay ula hadlaan hablaha si goonni ah waxayna u koriyaan si goonni ah waxayna ula dhaqmaan sidii ay danbiile tahay iyada oo aan weli socod baran. Waxaa lagu yidhaa waa cawree astura xitaa waxaa lagu yidhaa ufta qari bal ka waran ilmo yar oo lagu leeyahay jidhkaaga waa wasakh. Waxaa lagu raraa culayska sharafta qoyska. Waxay kortaa iyada oo indhaha lagu hayo wax kasta oo ay samayso.
Mar walba waa loo digaa. Kor uma qosli karto si xor ahna uma hadli karto. Dibadda kuma ciyaari karto sida wiilasha walaalaheed. Waxaa lagu yidhaa guriga joog oo shaqee oo baro masuuliyadda iyo shaqada guriga. Laakiin micnaha dhabta ahi waa baro sida loo noqdo adeegto ama addeecdo aan hadhaw cidna diidi karin.
Xitaa waxyaabaha aasaasiga ah sida cuntada si cadaalad darro ah ayaa loo qaybiyaa. Guryaha badankood, ragga iyo wiilasha ayaa marka hore cunta cuna, dumarka iyo gabdhuhuna waxay cunaan wixii ka soo hadha. Qoysaska saboolka ah, tani waxay ka dhigan tahay in gabdhuhu ku koraan cunto aan ku filnayn, jidhkooduna aanu si buuxda u karin. Waxay hore u bartaan in baahidooda aanay muhiim ahayn, in had iyo jeer laga horeeyo. Markay jiraan ilaa toddobo sano, waxay hore u bilaabaan karinta, nadiifinta, dhaqidda, iyo daryeelka walaalahooda yar yar, halka walaalaheed ay raacaan riyooyinkooda carruurnimo, iyagase lagu qasbay inay bartaan adeecidda iyo shaqada iyaga oo aad u yaryar.
Deedna waxaa lagu sameeyaa xanuun bedela nolosheeda weligeed. Hablaha badankooda waxaa lagu qasbaa gudniinka fircooniga, taasoo keenta dhaawac aanay waligood si buuxda uga bogsan. Jidhkoodu wuxuu noqdaa xusuus joogto ah oo ka turjumaysa xanuunkii ay soo mareen.
Meelo badan oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed, guurka carruurta weli waa caadi. Waxaad arkaysaa gabdho siddeed, sagaal, ama toban jir ah oo loo guurinayo rag da’ ahaan awoowayaashooda u dhigma. Qoysaska saboolka ah waxay gabdhahooda u bixiyaan si ay uga baxsadaan masuuliyadda ama si ay u helaan lacag. Waxay ugu yeedhaan guur, laakiin dhab ahaantii waa iibinta carruurta iyo kufsi. Marka aad wajiga gabdhaha yaryar aragto, waxaa si cad uga muuqata murugo iyo cabsi fara badan. Waxaa laga xaday caruurnimadoodii, waxbarashadoodii, farxadoodii, iyo xitaa xorriyaddoodii. Waxaa loo iibiyay sidii neef xoolaa, waxayna galaan adduun madow oo ay adoon ka yihiin.
Carruur badan ayaa lagu xadgudbaa gudaha guryaha iyo bulshada sida dugsiyada skuulada. Dhibbanayaasha halkii la difaaci lahaa waxaa loo sheegay inay aamusaan si aanay ceeb u keenin. Qoysasku waxay door bidaan sharaf been ah iyaga oo qarinaya runta. Mararka qaar gabadha waxaa lagu qasbaa inay ninka xadgudubka u gaystay guursadaan. Bal ka waran in gabadh la yidhaahdo la noolow qofkii dhaawacay nolosheeda.
Xitaa guurka caadiga ah dhexdiisa haween badan ammaan ma helaan. Waa la qasbaa. Wax aan raalli laga ahayn waa xadgudub xitaa haddii uu dhex maro laba qof oo is qaba.
Jidhka haweenka waxaa lagu eegaa indho wasakhaysan oo ka fog caddaalad iyo karaamo. Ragga ayaa xadgudba haweenka ayaase la canaantaa. Xitaa culimada qaarkood waxay adeegsadaan hadallo dhaawaca haweenka. Rag badan waxay u arkaan jidhka haweenku in uu yahay dhibaato u baahan xakamayn halkii ay u arki lahaayeen bini aadam mudan karaamo iyo ixtiraam.
Islaamka saxda ahi ma dulmiyo haweenka. Dulmigani waxa uu salka ku hayaa dhaqanka oo isku qariya diinta si uu u asturo xadgudub iyo tacadiga.
Markay noqoto dhawr iyo toban jir ayaa la baraa cabsida aamusnaanta iyo addeecidda. Waxaa loo sheegay in qiimaheedu ku xidhan yaahay guurka.
Halka wiilashu ay ku hamiyaan mustaqbalka iyadana waxa loo sheegay in sababta nolosheedu tahay inay xaas noqoto.
Haddii ay guursan waydo marka ay tahay dhawr iyo toban jir ama horraanta labaataneeyada waxa lagu xantaa inay xiligeedii dhaaftay sidii shay dhacay sida caanaha ama khudaar. Cadaadisku wuu sii kordhaa maalin kasta. Ugu dambayn way guursataa taas oo keenta in gabdho badan guursadaan rag aan iyaga u qalmin maxaa yeelay marka qofka culays badan la saaro si fiican wax uma doorto oo meel degan wax kama dooranayo.
Gabdho badan oo qaan gaadh ah ayaa niyad jaba culayska la saarayo dartiis.
Waxay u xanuunsadaan nafsi ahaan maskax ahaan iyo jidh ahaan.
Guryahooda ayaa lagu dhibaateeyaa oo jidh ahaan iyo maskax ahaan ba loo dhaawacaa. Qaarkood si joogto ah ayaa loo garaacaa. Qaarkood waa la caayaa ilaa ay rumaystaan in aanay qiimo lahayn. Qaar kale shaqada ayaa ka badata ilaa ay naftoodu dhaawacanto. Qaar badan waxay la kulmaan walaac aad u daran warwar argagax ama niyad jab. Qaarna si lama filaan ah bay u dhacaan oo miyir beelaan ama qayliyaan. Qoysasku inta badan waxay ku andacoodaan inuu yahay jinni ama shaydaan. Laakiin ma aha. Waa dhaawac nafsi ah. Maskaxdooda iyo jidhkooduba waxay u ooyayaan gargaar aan weligii iman.
Quraan baa la saaraa halkii dhakhtar loo gayn lahaa. Waa la eedeeyaa halkii la aamini lahaa. Waxa ay u baahan yihiin waa naxariis iyo daryeel. Ma aha eedayn iyo xakamayn.
Gabdho badan waxay guursadaan ka hor inta aysan si dhab ah u fahmin naftooda, qiimahooda, dabeecadahooda, dhaqankooda, iyo waxa ay ka rabaan nolosha. Gabadh todoba iyo toban ama siddeed iyo toban jir ah oo weli caruurnimadeeda ku jirta ayaa guri la dajiyaa waxaana laga filayaa inay nin u adeegto oo carruur koriso oo qoys dhisto. Marka ay gaadho dhawr iyo labaatan jir, waxaa laga yaabaa inay noqoto hooyo leh dhowr carruur ah. Jidh iyo markax ahaan ba way u daashaa, riyooyinkeedii way ilowdaa.
Markay hareeraha eegto, waxay arkaysaa ninkeeda oo samayn kara waxa uu doono, iyaduna culayska reerku saaran yahay Waxaa dhacda in rag badan gabdh kale guursadaan xilligaas si ay uga cararaan culayska caruurtooda, iyagoo ku andacoonaya in afar loo baneeyay, balse runtii waxa uu ka daalay masuuliyadda caruurta. Waxa uu raba gabadh cusub iyo guri cusub. Balse iyadu lugta ayay ka xidhan tahay. Waxbarasho heer sare ah ma haysato, shaqo ma haysato, doorasho ma leh. Waxay ku qasbantahay inay ku noolaato nolol aanay ku faraxsanayn, iyada oo qofkii ay reerka wada dhisteen uu nolol kale la bilaabay gabadh kale.
Markaa masuuliyadda caruurta waxay ku dhacdaa kaligeed. Bulshadu waxay ku tiraahdaa waxaa loo baneeyay afar dumar ah ama waxay dareensiiyaan sidii ay iyadu isaga dayacday, iyadoo lagu eedaynayo in ay mas’uul ka tahay in ninku naag kale guursado. Waxay la kulantaa welwel cusub, kalsooni darro, cidlo, garab la’aan. Waxaa lagu qanciya in ay samirto. Haddii ay muujiso culayska ay dareemayso, waxaa la odhanayaa maya, ha ooyin, dhexda xidho, iska dhig naag nool waligeed baa dumarka loogu guursan jiray. Laakiin guurku waa geeddi-socod. Markaa ka waran hadii qofkii aad wada bilowdeen uu gaadhiga dhexda kaga daadago.
Markaa dumarku way iska aamusaan. Culayska ayay kaligood qaadaan. Waxay noqdaan aabbo iyo hooyo. Waxay qabtaan wax walba oo caruurtu u baahan yihiin. Xitaa haddii ay la joogto ninka, waxay u nooshahay sidii waalid kelidiis ah, sababtoo ah rag badan mas’uuliyadaha ma garanayaan.
Markay carruurteedu weynaadaan, weli ma nasan karto. Qaladaadka caruurteeda iyadaa lagu eedeeyaa. Hab-dhaqanka gabdhaheeda waxaa lagu qiimeeyaa iyada, haddii ay sameeyaan wax bulshadu qalad u aragto. Wiilasheeda waa loo cudur daaraa, gabdhaheeda ceeb ayaa lagu xakameeyaa. Waxay sii wadaa inay ku noolaato cabsi iyo walwal ku saabsan waxa dadku odhan doonaan, ilaa maalinta ay ka dhimanayso.
Markay gabowdo oo jidhkeedu daciifo culaysku ma yaraado. Hadda waa ayeeyo balse weli way karinaysaa way adeegaysaa.
Waxay u adeegaysaa dad u arka uun islaan, oo aan ku baraarugsanayn in gudaha ay wali ka tahay gabadhii yarad ee ay mar ahayd. Waxaa loo arkaa kaliya ayeeyo.
Waxay arkaysaa gabdhaheeda oo u nool sida ay iyadu u noolayd, way ka warwartaa.
Liid kasta oo wejigeeda ku muuqda waxa uu ka turjumayaa taariikhdii ay soo martay
Wiilasheeda waxay soo booqdaan markay wax u baahan yihiin, sida ducadeeda.
Gabdhaheedu waxay la yimaadaan caruurtooda, iyagoo raadinaya naxariis iyo waano. Taag iyo tamar mahayso wax walba waxay u hurtay caruurteeda iyo bulshada.
Dhabarka iyo jidhkoodhan ayaa xanuunaya. Indhaha si fiican wax ugama aragto.
Qalbigeeda waxa kaliya ku jira iyada oo cid daryeelaysa ama nafteeda huraysa.
Xataa iyadoo da’ weyn, weli waxay ka welwelsan tahay guurka gabdhaheeda, hab-dhaqanka wiilasheeda, iyo sumcadda qoyskeeda.
Markay dhimato, dadku waxay yidhaahdaan waxay ahayd naag wanaagsan, sababtoo ah way dulqaadan jirtay, aamusnaan iyo addeecid. Waxay ku ammaanaan in ay tacadi u dulqaadatay, sidii iyada xanuunka loo abuuray. Qofna muu waydiin in ay faraxsan tahay iyo in kale. Qofna isma weydiiyo waxa ay nolosha ka rabto. Taariikhdeedii waxay u baabadaa sida qiiqa.
Haddana waxay ahayd laf-dhabarta qoys walba. Waxay ahayd tii dhakhaatiirta, macallimiinta, madaxda, iyo sheekh-yada korisay ee kaalin galisay. Rag aan weligood siin qaddarinta ay mudan tahay qofka dumarka ah. Jaceylkeedu wuxuu dhisay bulshadii iyada dulmiday.
Run ahaantii, dhaqanka Soomaalidu waa mid aad u qalafsan oo ku adag dumarka. Waa dhaqan cadaawad fog u haya dumarka, oo bilaa naxariis ah. Diinta ayaa si khaldan loo isticmaalaa si loogu xakameeyo dumarka. Gabdhuhu waxay ku dhashaan cabsi, dumarkuna waxay ku nool yihiin daal. Ayeeyooyinku waxay ku dhintaan aamusnaan. Dumar badan weligood xasillooni ma helaan. Nidaamku wuxuu ku eedeeyaa haweenka wax kasta, ragguna cidi lama xisaabtanto.
Laakiin tani waa inaysan noqon taariikhda gabdhaha iyo hooyoyinka maanta jooga. Isbeddelku wuxuu bilaabmaa marka dadku runta sheegaan oo ay diidaan aamusnaanta. Marka hooyooyinku si cad u hadlaan. Marka aabayaashu gabdhahooda ilaashadaan. Marka bulshadu ogaato in sharafta dumarku aanay khatar ahayn, balse ay tahay aasaaska nolosha.
Naagta Soomaaliyeed maaha naag jilicsan, waa naag adag. Jilal badan bay dhabarka u ridatay, gaajo iyo silic kala soo dabaalatay. Waxay u qalantaa xasilooni, farxad, ixtiraam, iyo qadarin. Waxay istaahishaa in ay doorato waxa ay rabto nolosha. Waxay istaahishaa in ay nafteeda ilaaliso. Waxay istaahishaa nolol ka wanaagsan waan badbaaday.
Dardaarankayga
Maqaalkan waxaan u qoray si aan u muujiyo waxa dumarka Soomaaliyeed ay la kulmaan maalin walba, laga soo bilaabo maalinta ay dhalato gabadh Soomaaliyeed ilaa ay ka dhimato. Tani maaha taariikh ceebaynaysa bulshadeena ama muujinaysa daciifnimo. Waa taariikh adkeysi, badbaado, iyo karti.
Taariikh dumarka Soomaaliyeed oo in badan la qariyay.
Waxaan rabaa in dadku arkaan runta: xanuunka, dulmiga, iyo dhaawaca ay gabdhaha iyo dumarka badan u adkaystaan maalin walba. Waxaan rabaa in hooyooyinku ilaashadaan gabdhahooda. Waxaan rabaa in aabayaashu qaadaan mas’uuliyaddooda. Waxaan rabaa in bulshadu ka doodo caadooyinka xunxun ee la aqbalay.
Maqaalkani waa baaq wacyigelin ah, baaq naxariiseed, baaq isbedel. Naagta Soomaaliyeed culays maaha. Ma aha mid la tuuri karo, dhib ma aha, loona baahan yahay in la xakameeyo. Waa laf dhabarta qoys kasta iyo bulshada. Waxay mudan tahay ixtiraam, sharaf, iyo xoriyad ay ugu noolaato si buuxda.
Nimco Cali qalbi ku daneeya