
Laxanka Gudaha: Wajiyada Wareegga Caadada
Haddii aad joogto Soomaaliya, Somaliland, ama Puntland, waxaad si fudud buuggan uga iibsan kartaa adigoo adeegsanaya Zaad ama WAAFI.
Lacagta ku shub mid ka mid ah lambarradan: 445255 ama 0634183944.
Markaas ka dib, fadlan ii soo dir magacaaga iyo caddeynta lacag bixinta email ahaan: nimcoalin1@gmail.com
Buugga ayaa laguu soo diri doonaa marka lacagta la xaqiijiyo.
Haddii aad ku sugan tahay meel ka baxsan Soomaaliya, waxaad buugga ku iibsan kartaa adigoo isticmaalaya PayPal ama debit card.
Aad baad u mahadsan tahay!
Laxanka Gudaha waa buug kaa caawinaya inaad fahanto afarta wejiyi ee wareegga caadada wejiga caadada, folikularka, ovulation-ka, iyo luteal-ka. Buuggan wuxuu sharxayaa sida wejiyadani u saameeyaan dareenkaaga, tamartaada, iyo fikirkaaga.
Mid kasta oo ka mid ah wejiyadan waxaa lagu mataalaa inuu yahay xilli ka mid ah afarta xilli ee sanadka — jiilaal, gu’, xagaaga, iyo dayr. Xilli walba oo sanadka waxaa ku duugan murti gaar ah.
- Wejiga Caadada (Menstrual Phase) – Jiilaal (Winter): waqti nasasho iyo soo kabasho ah.
- Wejiga Folikularka (Follicular Phase) – Gu’ (Spring): bilow cusub oo tamar leh.
- Wejiga Ovulation-ka (Ovulation Phase) – Xagaaga (Summer): waqti firfircoon oo tamar iyo kalsooni buuxda leh.
- Wejiga Luteal-ka (Luteal Phase) – Dayr (Autumn): waqti isbeddel iyo diyaar-garow.
Waxaad baran doontaa sida aad ula jaan qaadi lahayd isbeddeladaas dabiiciga ah si aad ugu noolaato nolol caafimaad leh, farxad leh, oo awood leh.
Laxan ka Gudaha waa buug saaxiibtinimo iyo cilmi ku dhisan, oo kugu dhiirrigelinaya inaad naftaada jeclaato, jidhkaaga u xushmeyso, oo aad ka faa’iidaysato awoodda wareeggaaga.