NAFTAYDA AYAAN DOORTAY
Naftayda Ayaan Doortay waa buug dhiirrigelin iyo isbeddel nololeed loogu talagalay haweeney kasta oo diyaar u ah inay dib u barato nafteeda, bogsiiso qalbigeeda, dhisto kalsoonideeda, una dhaqaaqdo noloshii ay ku riyoonaysay.
Buuggan 120-ka bog ah wuxuu ka kooban yahay 28 cutub oo ka hadlaya is-jacaylka, bogsashada dhaawacyadii hore, dejinta xuduudaha caafimaadka qaba, ka fogaanshaha xiriirrada sunta ah, hooyonimada, shaqada, dhaqaalaha, ganacsiga iyo xaqiijinta himilooyinka.
Cutub kasta wuxuu leeyahay cashar wax-ku-ool ah, su’aalo aad naftaada ku baranayso, layliyo qoraal iyo jumlado xoojinaya qalbigaaga. Waa buug kaa caawinaya inaad joojiso naftaada dayacaaddeeda, aqoonsato qiimahaaga, oo aad noqoto haweeneyda kalsoonida, nabadda iyo guusha leh ee aad mar walba ku riyoonaysay.
Safarkaagu maanta ayuu bilaabmayaa.
Naftaada dooro. Codkaaga aamin. Noloshaada dhiso.
Waxaa qortay HodanSYL
FG: Boogani waa pdf ahaan